Wararka
Mashaariic horimarineed oo laga bilaabayo degmada Warsheekh

Xayeysiis
Jowhar (SONNA): Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Saraakiisha Taliska Xoogga Dalka, Duqa Muqdisho iyo masuuliyiinta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta safar ku tegay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laga dhagax-dhigay mashaariic hormarineed oo baaxad leh.
Mashaariicda maanta laga dhagax-dhigay Warsheekh waxaa kamid ah dhismaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Warsheekh iyo Isbitaalka Guud ee Degmada, waxaana hir-gelinta mashaariicdan Dowladda Soomaaliya ka taageeraya dowladda Turkiga.











La wadaag

