Ciyaaraha
Magaalada Kigali ee dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Muqdisho(SONNA)-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata uga dhex muuqatay tartanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaanka iyo garsoorka.
Kulankii kama dambaysta ahaa oo dhex maray kooxaha Rayon Sports iyo Gor Mahia, waxaa dhex-dhexaadiyey garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalamiga ah Cumar Cabduqaadir Cartan, kaas oo si hufan u maamulay ciyaarta, iyadoo ugu dambeyn 2-1 ay guushu ku raacday kooxda reer Rwanda ee Rayon Sports.
Soomaaliya ayaa sidoo kale door muhiim ah ku lahayd dhacdooyinka tartanka, iyadoo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) uu ka qeyb galay munaasabadaha iyo howlaha la xiriiray tartanka.
Ka qeybgalka masuuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa muujinaya kororka doorka Soomaaliya ee kubadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika. CECAFA-na waxay tahay madal muhiim u ah horumarinta kubadda cagta iyo xirfadlayaasha dalalka xubnaha ka ah.






