calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay
Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay — SONNA

Waxaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, kuwaas oo ka qeyb galay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, ee ka socda magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Ocean Queens oo sameeyay taariikh cusub maadaama markii ugu horeysay ah ka qeyb galayn tartan caalami ah, ayaa intii ay baratanka ku jireen soo bandhigay dadaal, karti iyo isku duubni, waxaana aad loo amaanay bandhigii ay sameeyeyn gaar ahaan kulan ciyaareedkii ay wajaheen Sudan oo ay kaga adkaadeyn 8-2, taas oo aheyd guul weyn.

Guushan ayaa bog cusub u furtay taariikhda kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xul qaran oo gabdho ah ay guul ka gaaraan tartan rasmi ah oo kubadda cagta ah.

Mas’uuliyiin xirirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, bahda ciyaaraha, taageerayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa gabdhaha geesiyaasha xulka qaranka si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo ku bogaadiyay dadaalka, geesinimada iyo sida sharafta leh oo ay u difaaceen calanka iyo magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

La wadaag