calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Hoggaamiyaha Galmudug oo ka qaybgalay caleema-saarka hoggaanka Hirshabeelle

Hoggaamiyaha Galmudug oo ka qaybgalay caleema-saarka hoggaanka Hirshabeelle
Hoggaamiyaha Galmudug oo ka qaybgalay caleema-saarka hoggaanka Hirshabeelle — SONNA

Jowhar (SONNA): Hoggaamiyaha Dowladda-Goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Dowladda-Goboleedka Hirshabeelle, taas oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, isaga oo u rajeeyay guul, horumar iyo in ay shacabka Hirshabeelle u horseedaan hoggaan miro-dhal ah.

Sidoo kale, Hoggaamiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin dib-u-heshiisiinta bulshada, midnimada iyo wadajirka dalka, isaga oo xusay in Hoggaanka cusub ay mas’uuliyad gaar ahi ka saaran tahay mideynta bulshada, xoojinta wadajirka iyo ka shaqaynta dowlad-dhiska Soomaaliya.

La wadaag