Wararka
Xukuumadda iyo maamul goboleedyada oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha buluugga ah
Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS , mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirrada Dekedaha ee maamul goboleedyada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha dekedaha iyo gaadiidka badda, dardargelinta horumarinta kaabeyaasha badda, kobcinta ganacsiga iyo gaadiidka badda iyo mideynta dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.
Dhinacyadu, waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo xaqiijiyo maamul hufan oo mideysan, loona hirgeliyo qorshayaasha qaran ee la xiriira horumarinta dekedaha, adeegyada gaadiidka badda iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda Soomaaliya.
Wasiirka Dekedaha ayaa adkeeyay in iskaashiga joogtada ahi uu laf-dhabar u yahay horumarinta waaxda dekedaha iyo gaadiidka badda, isagoo uga mahadceliyay Wasiirrada Dekedaha ee Dowlad Goboleedyada kaalinta ay ka qaadanayaan mideynta dadaallada lagu horumarinayo badaha Soomaaliya iyo hirgelinta qorshayaasha qaran ee waaxda.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqeynta, isdhaafsiga khibradaha iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha mudnaanta u leh horumarinta waaxda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dalka.

