Gudaha
Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo Hay’adda Hayaan Heritage oo heshiis kala saxiixday

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta goobjoog ahaa kulan ay Waaxda Dhaqanka Wasaaradda iyo Hay’adda Hayaan Heritage ku kala saxiixdeen heshiis wada shaqayn ah.
Heshiiskaan ayaa ku saabsan iskaashiga iyo horumarinta arrimaha dhaqanka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale ayaa dhanka Wasaaradda u saxiixay heshiiska, halka Agaasimaha Hay’adda Hayaan Heritage oo ah hay’ad wadani ah Mudane Cabdiwahaab Axmed Cali uu Hay’adda u saxiixay heshiiska.
Heshiiskaan ayaa xooji doona iskaashiga Wasaaradda iyo Hay’adda, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, ilaalinta iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed, dhowrista Dhaqanka iyo taariikhda, iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo kor u qaadaya aqoonta, wacyiga iyo aqoonsiga dhaqanka Soomaaliyeed.
Wada shaqaynta Hay’adaha wadaniga ah kala dhaxeysa ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay xoojineyso iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si loo mideeyo khibradaha, aqoonta iyo dadaallada lagu ilaalinayo, laguna horumarinayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay muhiimad gaar ah siinaysaa iskaashiga hay’adaha waddaniga ah iyo bah-wadaagta kale, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo barnaamijyo waara oo gacan ka geysta dhowrista dhaxalka dhaqameed ee dalka iyo gaarsiinta jiilalka soo socda.
Heshiiskan ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo ka wada shaqaynta horumarinta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.















