Gudaha
Xubno ka tirsan guddiga Doorashooyinka Qaranka oo kormeeray goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha Cabudwaaq

Cabudwaaq,(SONNA):- Qaar ka mid ah Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), oo ay weheliyaan Agaasimayaal, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Degmada Caabudwaaq.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta diiwaangelinta dadweynaha, u kuurgalidda habsami-u-socodka shaqada, iyo qiimeynta caqabadaha iyo baahiyaha dheeraadka ah ee ka jira goobaha diiwaangelinta.
Xubnaha Guddiga ee kormeerka sameeyay ayaa hawl-wadeennada ku bogaadiyey dedaalka iyo shaqada hufan ee ay u hayaan bulshada. Sidoo kale, waxay ku dardaarmeen inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadkooda, iyagoo bulshada ugu adeegaya si hufnaan, caddaalad, iyo ixtiraam ku dheehan yihiin.




















