Wararka
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha oo yeeshay kulan lagu Xoojinayo Diiwaangelinta Muwaadiniinta ku nool dalka Dibadiisa
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta guddoomiyey shir wadajir ah oo ay yeesheen Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha, kaas oo ay ka qaybgaleen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Waaxda Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta hirgelinta Sharciga Diiwaangelinta Madaniga ah ee Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka diiwaangelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, iyada oo adeegyadaas loo marayo safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee caalamka.
Xoghayaha Joogtada ah iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa isku raacay in la dardargeliyo hannaan adeeg oo muwaadinka udub dhexaad u yahay, lana xoojiyo wada shaqeynta hay'adaha dowladda, isla markaana la xaqiijiyo in adeegyada diiwaangelinta madaniga ahi noqdaan kuwo hufan, la heli karo, laguna kalsoonaan karo, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ay si fudud uga faa'iideystaan.





