Wararka
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka Hay'adda UNHCR ee Soomaaliya

Xayeysiis
Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Areti Sianni,
Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay'adda UNHCR gaar ahaan arrimaha la xiriira qaxootiga iyo mudnaanta shaqo ee hay’addu ka waddo gudaha Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa shaagay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga iyo wada shaqaynta dhow ee u dhexeysa Hay'adda UNHCR iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha qaxootiga.




La wadaag



