Wararka
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo daahfuray shirka khibrad-wadaagga casharradii laga bartay doorashooyinkii dalka ka dhacay

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta daahfuray shirka khibrad-wadaagga casharradii laga bartay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir iyo doorashooyinkii isku sidkanaa ee goleyaasha deegaanka iyo goleyaasha wakiillada dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Shirkan khibrad-wadaagga ah oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa maalintiisa koowaad lagu bilaabay khibrad-wadaag dhexmaray Guddiga iyo hawlwadeennadii ka qayb qaatay hirgelinta doorashooyinka. Shirka ayaa lagu falanqeeyay hannaankii loo hirgeliyay doorashooyinka, khibradihii laga dhaxlay iyo sidii loo sii horumarin lahaa hirgelinta doorashooyinka soo socda.






