Wararka
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Suuqa Siinaay

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta oo Isniin ah dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Suuqa Siinaay, oo dhawaan la burburiyey, kaas oo ka mid ah suuqyada hantida danta guud ee ay leedahay Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dhiska iyo casriyeynta suuqyada caasimadda, horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo abuurista goobo ganacsi oo leh adeegyo iyo deegaan ku habboon ganacsatada iyo bulshada.
Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xusay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta ganacsiga iyo bilicda caasimadda, isaga oo caddeeyey in ganacsatadii hore ugu ganacsan jirtay Suuqa Siinaay dib loogu celin doono goobahoodii ganacsi marka dib-u-dhiska suuqa la soo gabagabeeyo.
Dib-u-dhiska Suuqa Siinaay ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegyada ganacsiga, hagaajinta bilicda suuqa iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka, iyadoo ganacsatadii hore ay fursad u heli doonaan inay dib uga bilaabaan ganacsigooda suuqa marka mashruuca la dhammaystiro.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Suuqyada, mas’uuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah, iyo dadweynaha deegaanka.






