Gudaha
Arday Soomaaliyeed oo bandhig dhaqameed kaga qeyb galay Dalka Shiinaha

Changsha,(SONNA):- Waxaa Toddobaadkan magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan lagu qabtay Bandhig dhaqameed, kaas oo ay ka qeyb galeen arday badan oo Ajaaniib ah oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliya ee wax ka barta dalka Shiinaha.
Bandhig dhaqameedkan ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Central South University (CSU) ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta jaamacadda, marti sharaf iyo arday badan oo ka kala socda 40-Dowladood oo Soomaaliya ay ku jirto.
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta magaalada Changsha-Hunan ee dalka Shiinaha ayaa madasha ku soo bandhigay bandhig dhaqan oo cajiib ah oo oa kooban noocyada kala duwan ee cuntada iyo ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka, taas oo si weyn u soo jiidatay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qeyb galay.
Sidoo kale, Ardayda Soomaaliyeed ee ka qeyb galay bandhigga oo ku xirnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka, isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa masraxa bandhigga wacdaro ka muujiyay, taas oo soo jiidatay indhaha dadka madasha ka soo qeyb galay.
Madaxdii bandhig dhaqameedka ka soo qeyb galay iyo ardaydii kale ee ajaaniibta ayaa u riyaaqay bandhiga cajiibka ah ee ardayda Soomaaliyeed ay uu muujiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid kaalin muhiim ah kaga jiray habsami u socodka munaasabadka.
Bandhig dhaqameedkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa muhiimaddiisu waxay tahay horumarinta iyo xoojinta is-dhexgalka ardayda kala duwan ee wax ka barata Jaamacadda weyn ee Central South University ( CSU) ee magaalada Changsha-Hunan ee Dalka Shiinaha.







