Gudaha
Xaaladda Diblomaasiyadda Soomaaliya iyo waxqabadka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya

Muqdisho,(SONNA):- Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar Cali (Balcad), ayaa xarunta Wasaaradda ku soo bandhigay muxaadaro ku saabsan xaaladda diblomaasiyadda Soomaaliya iyo waxqabadka muhiimka ah ee Wasaaradda ay gaartay afartii sano ee la soo dhaafay.
Muxaadaradaan, oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda, ayaa qeyb ka ahayd dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo aqoonta diblomaasiyadda iyo kor u qaadidda wacyigelinta bulshada.
Muxaadarada waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, agaasimayaasha waaxyaha, shaqaalaha Wasaaradda, mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo arday ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho.
Intii lagu guda jiray bandhigga, waxaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah iyo kuwa dhinacyada badan, horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha, ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sare u qaadidda kaalinta iyo sumcadda dalka ee fagaarayaasha caalamiga ah.
Kulanka ayaa sidoo kale dirada lagu saaray sida ay Wasaaraddu uga go'an tahay hirgelinta mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo taageero nabadda, xasilloonida, iyo horumar waara.












