Gudaha
Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Muqdisho(SONNA);-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda.
Shirka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Cadaaladda, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka billaha ah, dardargelinta qorshayaasha istaraatiijiyadeed iyo diyaar-garowga bandhigga waxqabadka afarta sano ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.<br>Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay soo bandhigista guulaha la taaban karo iyo horumarka laga gaaray dhinacyada cadaaladda iyo dhameystirka dastuurka dalka.
Wasiiru Dowlaha ayaa ku bogaadiyay Agaasimayaasha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda dadaalka ay ku bixiyeen gudashada waajibaadkooda, isagoo ku booriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka iyo dardargelinta howlaha mudnaanta leh si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo qorshayaasha qaran ee Wasaaradda loo igmaday.






