Wararka
Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dominican oo Sameystay Xiriir Diblomaasi
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cali iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dominican Mudane Víctor O. Bisonó Haza ayaa kala saxiixday heshiis lagu dhisayo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dale e Soomaaliya iyo Jamhuuriyaddaasi.
Labada Wasiir ayaa ku heshiiyay inay xoojiyaan xiriirka iskaashi ee u dhaxeyn kara dhinacyadaasi, taas oo ah tallaabo horumarinaysa dadaallada Soomaaliya ay ku ballaarinayso iskaashiga ay la leedahay waddamada Latin America iyo Caribbean-ka.
Munaasabadda kulanka labada wasiir ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Domenican ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York,gaar ahaan halka uu ka socdo shirka Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.


