Wararka
Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey
Dadka codeybaya badankood waa markii ugu horreysay ee ay arkaan doorasho toos ah

Cadaado (SONNA): Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka degmada iyo xubnaha golaha wakiilada.
Wasiirka xanaanada xoolaha Galmudug Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Tootoole) iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Galmudug Maxamed Cabdullaahi (Dhagacadde) ayaa codkooda ka dhiibtay Seejada xarunta degmada oo ka mid ah goobaha ay shacabka Cadaado ka codeynayaan.
Wasiir Tootoole ayaa xusay in maanta ay Galmudug uga dhigantahay maalin weyn oo nidaamka dowlad wanaagga tallaabo horumar leh loogu qaaday.










