Wararka
Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Sheekh Cabdullaahi Zulfa
Sheekh Cabdullaahi Zulfa wuxuu muddo hore ahaa jiray fanaan

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Sheekh Cabdullaahi Zulfa oo in ka badan 30 sano dalka dibaddiisa ku maqnaa.
Soo dhaweynta waxaa wasiirrada kala qeyb galay Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Naasir, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka, Abwaan Guure iyo Maareeye Ku-xigeenka Tiyaatarka Abwaan Maki Xaaji Banaadir iyo xubno kale.
Sheekh Cabdullaahi Zulfa wuxuu hore uga mid ahaa fanaaniintii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, isagoo ka tirsanaa Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada, waxaana lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay fanka iyo wacyigelinta bulshada.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa Sheekh Cabdullaahi Zulfa ku bogaadiyey ku soo laabashadiisa dalka hooyo, iyagoo xusay kaalinta qiimaha leh ee uu ku leeyahay taariikhda fanka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Sheekh Cabdullaahi Zulfa ayaa mudo dheer ku noolaa dalka Sacuudi Carabiya, isagoo ka ahaa Mu'addin Masjid, waxaa uu joojiyay heesaha iyo guud ahaan arrimaha la xiriira fanka, isagoo u go’ay u qidmeynta diinta.












