Wararka
Wasiirka kaluumaysiga ee XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho.

Wasiirka kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee XFS Axmed Xasan Aadan ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho.
Labada Ma’suul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wax soo saarka kaluumaysiga iyo in taageero xoog leh la siiyo kaluumaysitada Soomaaliyeed si uu u xoog sado ka faaiideysiga kheyraadka ka jira baddeena.
Wasiirka Kaluumayga iyo dhaqaalaha Buuluga XFS Axmed Xasan Aadan oo Markii uu kulanka dhammaaday la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyey waxyaabihii uu kala hadllay Safiirka Talyaaniga.
Wasiirka kaluumaysiga XFS ayaa warka uu nasiiyey warbaahinta Qarabka ku sheegtay inuu kordhay kaluunka Soomaaliya u iibgayso suuqyada caalamka, taasna ay tahay tallabo weyn oo lagu farxo .
Madaxda Wasaaradda Kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ay sare u qaaday xarumarinta wax soo saarka kaluumaysiga iyo gacansiinta kaluumaysatada Soomaaliyeed.






