Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Guddoomiyaha Ururada bulshada rayidka
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ay ku leeyihiin horumarinta wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed mudane Cusmaan Muxudiin Shaatax, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo ururrada bulshada rayidka ah ee dalka.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ay ku leeyihiin horumarinta wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada, kor u qaadista xorriyadda saxaafadda, iyo ka hortagga hadallada naceybka, qabyaaladda iyo fikradaha kala fogeeya bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta ayaa adkeeyay in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha iskaashi wax-ku-ool ah oo ay la yeelato bulshada rayidka ah, si loo xoojiyo dadaallada lagu kobcinayo fahamka bulshada, laguna taageerayo warbaahin xor ah, mas’uul ah oo door muuqda ka qaadata horumarka dalka iyo dowlad-dhiska.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Cusmaan Muxudiin Shaatax, ayaa soo dhaweeyay dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo warbaahinta, dhaqanka iyo wacyigalinta bulshada, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay ururrada bulshada rayidka ah inay door firfircoon ka qaataan ololayaasha wacyigelinta, nabad-dhiska, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta ku aaddan hirgelinta barnaamijyada bulshada lagu wacyigelinayo, kor u qaadista dhaqanka nabadda, la dagaallanka hadallada naceybka, qabyaaladda, iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo xorriyadda saxaafadda iyo ka qaybgalka bulshada ee arrimaha horumarka dalka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay hay’adaha bulshada rayidka ah si loo dhiso bulsho xog-ogaal ah, mideysan, nabad ku wada nool, isla markaana si firfircoon uga qayb qaadata horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.








