calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Axmed Cali Cigaal
Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Axmed Cali Cigaal — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Fanaanka Axmed Cali Cigaal.

Fanaanka Axmed Cali Cigaal ayaa berisamaadkii ka tirsanaa Hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa Alle SWT uga baryay Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

La wadaag