Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska iyo Duulimaadyada Soomaaliyeed (SATTA)

Muqdisho, (SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska iyo Duulimaadyada Soomaaliyeed (SATTA).
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo horumariyo dalxiiska, loo kobciyo adeegyada duulimaadyada iyo socdaalka dalxiisayaasha, isla markaana Soomaaliya loogu suuqgeeyo inay tahay dal leh fursado dalxiis.










La wadaag



