Wararka
Xuska maalinta socodka iyo wacyi gelinta Sokoroowga oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho-)SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa maanta oo Arbaco ah, magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Sonkorowga (World Diabetes Day) iyo Socodka Wacyigelinta Cudurka Sonkorowga 2026.
Socodka oo bilowday saacaddu markii ay ahayd 5:30 aroornimo oo ayna kasoo qeyb galey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha H.E Mohamed Abdulkadir ayaa ka bilowdey Daljirka Dahsoon, waxaana ka qaybgalayaashu lug ku gaareen Xeebta Liido, halkaas oo uu ku soo dhammaaday socodkii wacyigelinta.
Munaasabaddan oo hal-ku-dhegeedu ahaa “Early Action on Diabetes” (Tallaabo Hore oo Lagaga Hortagayo Sonkorowga) ayaa ujeeddadeedu ahayd kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka sonkorowga, dhiirrigelinta baaritaanka hore iyo muhiimadda ay leedahay qaadashada hab-nololeed caafimaad leh.
Socodkan ayaa sidoo kale fursad u ahaa in bulshada lagu baraarujiyo halista cudurka sonkorowga iyo baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada wacyigelinta, ogaanshaha hore iyo ka hortagga cudurkan oo saameyn ku yeelan kara caafimaadka iyo tayada nolosha dadka.
Wasaaraduhu waxay bulshada, gaar ahaan dhallinyarada iyo bahda caafimaadka, ku boorrinayaan inay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu horumarinayo caafimaadka bulshada, iyagoo xoojinaya wacyigelinta iyo dhiirrigelinta hab-nololeed caafimaad leh.



