Wararka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan qoondada Xajka ee sanadka 1448/2027

Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa dhiggiisa Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr. Towfiiq bin Fowzaan Al-Rabiici, Magaalada Jeddah kula saxiixday heshiiska qoondada Xajka Soomaaliya ee sannadka 1448/2027, kaas oo ah heshiis sannadle ah, iyadoo qoondada Xujeyda Soomaaliyeed ay gaarayso 11,500 oo Xaaji.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay kaga qaybgalayeen munaasabadda weyn ee loo yaqaan Madasha Xajka iyo Bandhigga Adeegyada Xajka, oo ay ka soo qaybgaleen wafuud ka socotay dhammaan dalalka Muslimiinta Caalamka.
Heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddah, Mudane Cabdiwali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Dr. Cabdinaafic, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Adeegyada Xajka Soomaaliya Dr. Khadar Daahir iyo masuuliyiin kale.



