calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Meertada 31-aad ee Shirwaynaha Qaramada Midoobay ee Cimilada (COP31)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Meertada 31-aad ee Shirwaynaha Qaramada Midoobay ee Cimilada (COP31)
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Meertada 31-aad ee Shirwaynaha Qaramada Midoobay ee Cimilada (COP31) — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa u socdaali doona magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo ay uga qaybgali doonaan Meertada 31-aad ee Shirwaynaha Qaramada Midoobay ee Cimilada (COP31).

Madaxwyanaha ayaa khudbad ka jeedin doona Shir Madaxeedka Antalya oo qayb ka ah Shirwaynaha Cimilada ee COP31, isaga oo soo bandhigi doona qorshayaasha qaran ee ka hortagga iyo u adkeysiga waxyeellada taban ee isbeddelka cimilada oo ay ku jiraan, horumarinta tamarta cagaaran, ka hortagga nabaad-guurka iyo ahmiyadda ay leedahay wada-shaqaynta heer caalami ee dadaallada wax looga qabanayo arrimahaas.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doona Madaxda kala duwan ee shirka ka qaybgalaysa, isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba-geesoodka ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka kale.

La wadaag