calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Soomaaliya oo ka qayb galeysa shirka Wasiirrada Caddaaladda ee waddamada Carabta

Soomaaliya oo ka qayb galeysa shirka Wasiirrada Caddaaladda ee waddamada Carabta
Soomaaliya oo ka qayb galeysa shirka Wasiirrada Caddaaladda ee waddamada Carabta — SONNA

Aljeris-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/ Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa gaaray Magaalada Aljeris ee Caasimadda Dalka Aljeeriya.

Wasiirka ayaa halkaasi kaga qeeyb galaya furitaanka shirka Wasiirada Caddaaladda ee wadamada Carabta kasoo ka furmaya caasimadda Aljeris ee dalka Aljeeriya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego) iyo Agaasimaha Guud Xabsiyadda dalka Aljeeriya Mudane, Zerb Saciid iyo Madax sare oo ka socotay Wasaaradda Cadaaladda dalka Aljeeriya ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka iyo waftigiisa.

La wadaag