Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, isagoo kormeeray qeybaha muhiimka u ah soo dhoweynta iyo adeegyada dalxiisayaasha dalka imaanaya.
Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay horumarka adeegyada garoonka, isagoo xusay muhiimadda uu Garoonka Aadan Cabdulle u leeyahay kobaca dalxiiska, maadaama uu yahay marinka ugu weyn ee ay dalka ka soo galaan dalxiisayaasha caalamiga ah.
Wasiirka Warfaafinta mudane C/fitaax Qaasim inta uu ku jiray kormeerka wuxuu la kulmay Maareeyaha shirkadda FAVORI LLC, Mudane Murat Desket, oo warbixin kooban ka bixiyay adeegyada garoonka iyo horumarka laga sameeyay fududeynta safarrada iyo soo dhoweynta rakaabka ku yimaada diyaaradaha caalamiga ah.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa ka howlan xoojinta iyo dardar galinta horumarinta adeegyada dalxiisayaasha, si loo taageero dadaallada lagu horumarinayo dalxiiska Soomaaliya.




























