Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay Maareeyaha Dekedda, Danjire Maxamed Cali Ameeriko.
Wasiirka ayaa kulan diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha dalxiiska iyo sidii loo heli lahaa hab lagu tiro koobo dalxiisayaasha dalka ka soo gala dhinaca Dekedda, oo ka mid ah marinada muhiimka ah ee ay dalxiisayaasha caalamku dalka ka soo galaan, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi fududeeya adeegga dalxiisayaasha la qaatay maamulka dekadda.
Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku jiray bogaadiyay horumarka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ka socda Dekedda, iyo kaalinta ay ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka.
“Waxaa naga go’an Wasaarad ahaan inaan dunida u gudbinno muuqaalka wanaagsan ee Soomaaliya, horumarka ay dadka Soomaaliyeed gaareen, fursadaha dalxiis ee dalka iyo isbeddelka muuqda ee dhinaca amniga,” ayuu yiri Wasiirku.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Ameeriko, ayaa Wasiirka uga mahadceliyay booqashada, isagoo xaqiijiyay diyaar garowga maamulka Dekedda ee xoojinta wada-shaqeynta iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo dalxiiska dalka.






















