Gudaha
Wasiirka Qoyska XFS oo magaalada Islamabad kula kulantay Dhiggeeda Bakistan

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan kulan heer sare ah kula yeelatay Wasiirka Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Pakistan, Senator Azam Nazeer Tarar.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah iyo diblomaasiyadda ku saleysan horumarinta xuquuqda aadanaha iyo daryeelka bulshada.
Labada Wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta xuquuqul insaanka,is-dhaafsiga khibradaha, tayeynta hay'adaha dowladda iyo kor u qaadidda awoodda fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada la xiriira ilaalinta, dhowrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii xoojiyaan iskaashiga dhinacyada tababarrada farsamo, cilmi-baarista, dhismaha awoodaha hay'adaha dowladda iyo isu-duwidda mowqifyada la xiriira arrimaha xuquuqul insaanka ee heer gobol iyo heer caalami. Labada dhinac waxay muujiyeen rabitaan siyaasadeed oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka labada wasaaradood si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo dan u ah shacabka labada dal.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa uga mahadcelisay Dowladda Pakistan soo dhoweynta diirran iyo sida ay uga go'an tahay xoojinta iskaashiga labada dal.
Waxay carrabka ku adkeysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah si loo xaqiijiyo bulsho ku dhisan caddaalad, sinaan iyo ixtiraamka karaamada aadanaha. Waxaana kulammadan Wasiiradda ku wehliyey Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Danjire Shiikh Nuur.












