Wararka
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka codeeyay Gaalkacyo

Gaalkacyo-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay magaalada Gaalkacyo doorashada golayaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, isla markaana ay Galmudug qortay bog cusub oo taariikhdeeda ah, iyadoo ka gudubtay marxalado adag oo ay soo martay.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka dadaalka ay geliyeen qabsoomidda doorashooyinka iyo sida hufan ee ay u maareeyeen habsami u socodka geeddi-socodka codbixinta.
La wadaag


