Wararka
Wasiirka Dekadaha oo Isbitaalka ku booqday Xildhibaan Dahabo Suusow
Booqashada Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa ku weheliyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta booqasho ugu tegay Isbitaalka Hodan Xildhibaan Dahabo Suusoow, oo halkaasi ku xanuunsaneysa.
Booqashada Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa ku weheliyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Dahabo, una rajeeyay caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho buuxda.
Intii ay booqashadu socotay,
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Alle uga baryay Xildhibaan Dahabo Suusoow caafimaad taam ah iyo soo kabasho degdeg ah, isagoo muujiyay garab istaag iyo daryeel.






