calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka
Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka — SONNA

Muqdisho(SONNA(:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddiga kala hadlay dardargelinta howlaha Guddiga iyo dhammaystirka hindise-sharciyeedyada horyaalla, si loogu gudbiyo Golaha Shacabka, isagoo faray Guddiga inuu mudnaan gaar ah siiyo ka shaqeynta shuruucda la xiriirta xuquuqda haweenka, qoyska, carruurta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in ay ka go’antahay xoojinta doorka Golaha Shacabka ee sharci-dejinta iyo korjoogteynta, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo dhowrista xuquuqda iyo karaamada muwaadin kasta, loona helo caddaalad loo siman yahay.

FB_IMG_1791719173964.jpgFB_IMG_1791719169892.jpg

La wadaag