calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sagootiyay shaqaalo ka tirsan wasaaradda oo tababar ugu amba-baxay Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sagootiyay shaqaalo ka tirsan wasaaradda oo tababar ugu amba-baxay Shiinaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo sagootiyay shaqaalo ka tirsan wasaaradda oo tababar ugu amba-baxay Shiinaha — SONNA

lMuqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa sagootiyey qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, xubno ka socda xafiisyada warbaahinta Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo dalka Shiinaha ugu ambabaxay tababar soconaya mudo 21 maalmood ah.

Tababarkan ayaa diiradda saaraya warbaahinta casriga ah, adeegsiga garaadka macmalka ah (AI), maaraynta xaaladaha degdegga ah iyo ka hortagga wararka been-abuurka ah, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha warbaahinta dowladda.

Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa kula dardaarmay ka-qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursadan, aqoonta iyo waayo aragnimada ay kororsadaana ugu adeegaan casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed iyo horumarinta tayada shaqada warbaahinta dowladda.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Dowladda Shiinaha uga mahadcelinaysaa taageerada joogtada ah iyo fursadan qiimaha leh ee lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha warbaahinta dowladda, laguna xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta iyo tiknoolajiyadda casriga ah.

La wadaag