calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BFS OO DADKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY MAALINTA CALANKA

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BFS OO DADKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY MAALINTA CALANKA
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BFS OO DADKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY MAALINTA CALANKA — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyey munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ah Maalinta Calanka Soomaaliyeed, isaga oo xusay qiimaha iyo muhiimadda uu calanka u leeyahay shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Calanka Soomaaliyeed uu astaan u yahay gobannimada, midnimada, sharafta, karaamada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin mudan in si weyn loo xuso, maadaama ay xambaarsan tahay taariikh, halgan, geesinimo iyo naf-hurnimo ay muujiyeen halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay xorriyadda iyo madaxbannaanida dalka.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada Calanka, xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana ka shaqeeyaan horumarka, nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, si jiilasha dambe ay ugu faanaan taariikhda iyo astaanta Qarankooda.

La wadaag