Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa gaaray Addis Ababa, si uu uga qeyb galo Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika AU ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalimiganMudane Abdisalam Cali, ayaa gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika. Kalfadhigaasi waxaa looga hadli doonaa nabadda gobolka, ammaanka, dib-u-habaynta hay’adaha iyo isku-xirka dhaqaalaha.
Wasiirku wuxuu ka helay soo dhawayn diiran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, taasoo muujineysa xiriirka laba-geesoodka ah ee xooggan.
Soomaaliya waxay horumarineysaa mudnaanta iskaashiga amniga, maareynta Badaha, iyo xasilloonida gobolka. Wasiirku wuxuu la macaamilayaa la-hawlgalayaasha sidii loola dagaallami lahaa khataraha Caalamiga ah, islamarkaana loo xoojin lahaa awoodda ka hortagga khilaafaadka ee Ururka Midowg Afrika AU, iyo kor u qaadista iskaashiga dhaqaale ee Geeska Afrika.



