Gudaha
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Dood Heer Sare ah oo ka dhacday Madasha Dubrovnik

Dubrovnik, Croatia (SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo lagu qabtay Madasha Dubrovnik, taas oo diiradda lagu saaray caqabadaha horyaalla silsiladaha sahayda, ganacsiga caalamiga ah iyo amniga badaha.
Madasha ayaa isu keentay mas'uuliyiin dowladeed, diblomaasiyiin iyo khubaro caalami ah oo ka wada hadlay saameynta isbeddellada juqraafiyeed iyo siyaasadeed ay ku leeyihiin amniga badaha, ganacsiga caalamiga ah, amniga tamarta iyo adkeysiga silsiladaha sahayda.
Intii uu ka hadlayay madasha, Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo amniga badaha, loo ilaaliyo xorriyadda maraakiibta ee marin-biyoodka caalamiga ah, isla markaana loo hubiyo in ganacsiga dunidu u socdo si aan hakad lahayn.
Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay muhiimadda istaraatiijiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi caalami ah oo lagula tacaalo caqabadaha amniga badaha.<br>Ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Dubrovnik ayaa muujinaya dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga dhinacyada badan iyo ka qayb qaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo koboca dhaqaale ee waara.





