Wararka
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo u Daah furay Koorso Luuqadda Faransiiska ah Diblomaasiyiinta Sare

Muqdisho(SONNA)--Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigarso Luuqadda Faransiiska ah Diblomaasiyiinta Sare JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa daah furay koorso lix bilood ah oo lagu baranaayo luuqadda Faransiiska, taas oo loogu talagalay 22 diblomaasiyiin sare ah.
Kooraskaan waxaa bixinaya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Machadka, Maxamed Maxamuud Guure.
Luuqadda Faransiisku waa mid ka mid ah luuqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Dhanka kale Xoojinta aqoonta luuqadda Faransiiska ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed waxay sare u qaadaysaa awoodda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee wada xaajoodyada dhinacyada kala duwan iyo xiriirka ay la leedahay Dowladda Soomaaliya dalalka ku hadla Faransiiska ee Afrika iyo Yurub.






