Gudaha
Wasaaradda Qoyska XFS oo war ka soo saartay xadgudubkii lagula kacay Gabadh Soomaaliyeed

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS, ayaa si adag u cambaareyneysay xadgudubka arxan-darrada ah ee lagula kacay Sharafka iyo Cirdiga gabar Soomaaliyeed oo si weyn loogu xad gudbay nolosheeda, bulshada horteeda taasi oo si xad gudub ah loogu faafiyey baraha bulshada
“Falkan wuxuushnimada ah waxa uu si cad uga hor imaanaya diinteena Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaalida, xuriyadda, sharafka iyo cirdiga muwaadinka , waxaana dhammaanteen waajib naga wada saaran yahay inaan ka dhiidhino falkaas bahalnimada ah ayadoo bulshadeena aan ka dhex saareyno kuwa xad gudubkaas weyn sameeyey” ayey si kulul u tiri Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi
Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS waxa ay fareysaa laamaha amniga in ay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo qabtaan arxan laaweyaasha kula kacay falkaasi bahalnimada ah Gabadh Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, ayadoo la hor geynayo Hay’adaha Cadaalladda ee xaqa u leh in ay qaadaan dacwadaas, si bulshada Soomaaliyeed ugu waana qaataan inuusan baxsan dambiile xad gudbay.
Ugu dambeyn waxaan waalidiinta dhalay kuwa xad gudubka geystay, waalalahooda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee aqoonsaday wajiyadooda ugu baaqeynaa iney hay’adaha ammaanka ku gacan siiyaan sidii loosoo qaban lahaa islamarkaana cadaalladda loo horgeyn lahaa kuwa xad gudubka geystay, ayadoo aan idiin wada xasuusineyno kuwa gabadh Soomaaliyeed sidaa ugu xad gudbay in aysan xaq u laheyn in aad siisaan gabaad oo dembiga iyo dulmigaba bulshada Soomaaliyeed dhexdooda kusii faafaan.



