Gudaha
WASIIRKA GANACSIGA IYO WARSHADAHA XFS OO BOOQDAY XARUNTA GANACSIGA DIJITAALKA AH IYO SUUQA CAALAMIGA AH EE YIWU

Yiwu,(SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Mohamed Hassan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Ganacsiga Dijitaalka ah (Global Digital Trade Center) iyo qaybaha koowaad iyo labaad ee Suuqa Ganacsiga Caalamiga ah ee Yiwu, gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha.
Booqashadan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, iyadoo kaashanaysa Dowladda Gobolka Zhejiang, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada ganacsiga, warshadeynta iyo tiknoolajiyadda casriga ah.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa booqashada ku weheliyey Maayar ka magaalada Yiwu iyo masuuliyiin ka socday Waaxda Ganacsiga iyo Xafiiska Arrimaha Dibadda ee magaalada. Wafdiga ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta xarumaha, iyagoo si dhow u indho-indheeyey sida tiknoolajiyadda casriga ahi u fududeysay isku xirka warshadaha wax-soo-saarka, ganacsatada iyo suuqyada caalamka.
Xarunta Ganacsiga Dijitaalka ah ee Yiwu ayaa adeegsanaysa garaadka macmalka ah (AI), ganacsiga elektaroonigga ah, nidaamyada lacag-bixinta dijitaalka ah iyo adeegyada casriga ah ee gaadiidka iyo saadka. Nidaamyadan ayaa ganacsatada u fududeynaya inay si toos ah ula xiriiraan macaamiisha caalamka, u maareeyaan dalabaadka, una yareeyaan kharashaadka ganacsiga.
Magaalada Yiwu, oo aan lahayn khayraad dabiici ah oo la taaban karo, ayaa ku guuleysatay inay noqoto mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu muhiimsan dunida, iyadoo isku xirtay warshadaha wax-soo-saarka, suuqyada iyo tiknoolajiyadda. Maanta waxay xiriir ganacsi la leedahay in ka badan 230 dal iyo deegaan oo caalamka ah.
Waayo-aragnimada Yiwu ayaa Soomaaliya u leh muhiimad gaar ah, maadaama adeegsiga tiknoolajiyadda dijitaalka ahi uu dalka u suurtagelin karo inuu si degdeg ah u casriyeeyo ganacsigiisa, kana gudbo qaar ka mid ah caqabadaha kaabeyaasha dhaqaalaha. Horumarinta suuqyada elektaroonigga ah, lacag-bixinta dijitaalka ah iyo adeegyada saadka ayaa fursado cusub u abuuri kara ganacsatada iyo soo-saarayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo warshadaha.
Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaalka shaqo ee Wasiirka iyo wafdigiisa ay ku marayaan gobolka Zhejiang, waxayna daba socotaa Madashii Iskaashiga Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee 8-dii Nofeembar lagu qabtay magaalada Yiwu, taas oo ay ka qaybgaleen ku dhowaad 300 oo masuuliyiin, maalgashadayaal iyo ganacsato Soomaaliyeed iyo Shiinays ah.
























