calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Taliyaha ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socda talisyada ciidamada dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is xogwaraysi iyo mahadcelin ku aaddan guusha shirka

Taliyaha ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socda talisyada ciidamada dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda
Taliyaha ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socda talisyada ciidamada dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda — SONNA

Muqdisho (SONNA): Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka socotay Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda, kuwaas oo ka qeyb galay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is xogwaraysi iyo mahadcelin ku aaddan guusha shirka, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku taageera dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa uga mahadceliyay wufuudda kaalinta ay dalalkoodu ka qaadanayaan taageerada Ciidanka XDS iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isagoo xusay in iskaashiga dhow uu door muhiim ah ka qaato horumarinta awoodda Ciidanka iyo xaqiijinta amniga Soomaaliya.

Dhankooda, madaxda wufuudda ayaa bogaadiyay martigelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka XDS, iyagoo adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga iyo taageerada ay la garab taaganyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

La wadaag