Gudaha
Taliyaha Hay'adda NISA oo gaaray degmada Guriceel

Muqdisho,(SONNA):- Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran u soo dhoweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, Wasiiro ka tirean Galmudug, Dhallinyaro iyo odayaasha dhaqanka. Safarka taliyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasillinta iyo nabadeynta deegaannadaas.
Inta uu Taliyaha ku sugan yahay degmada Guriceel, wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas'uuliyiinta maamulka degmada, qaar ka mid ah Bulshada rayidka ah iyo laamaha amniga si loo dardar geliyo qorsheyaasha lagu sugayo anniga iyo xoojinta wadashaqeynta hay'adaha amniga iyo Bulshada.
Taliyaha Hay'adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii u dambeeyay safar dhanka dhulka ku marayay deegaannada waqooyi ee gobolka Galgaduud.



