Wararka
Taliyaha Guutada 18-aad Kumaandooska oo ciidanka ku ammaanay howsha ay hayaan
Col Aadan ayaa la hadlay Geesiyada CXDS gaar ahaan Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, isagoo u sheegay inuu bilaawday Howlgalka ‘Dabeyl’ oo Deegaanada looga saarayo Argagixisada Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor Col Aadan Maxamed Faarax ayaa Geesiyada Ururka 9'aad Kumaandooska Gorgor ee ku sugan furimaha hore ee Xaaji Cali iyo Sumadaale oo shalay Deegaanka Sumadaale laga saaray Khawaarijta u jeediyay hadalo dhiirigalin ah.
Warkaan oo lagu daabacay Bogga ay ku leeyihiin Baraha Bulshada Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor, ayuu Col Aadan la hadlay Geesiyada CXDS gaar ahaan Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, isagoo u sheegay inuu bilaawday Howlgalka ‘Dabeyl’ oo Deegaanada looga saarayo Argagixisada Khawaarijta ah ee Al-shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay howlgal qorsheysan dib ula wareegay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay fariisimo waaweyn ku lahaayeen kooxaha Khawaarijta.



