Wararka
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Dugsiga Xananbuure kula hadlay ciidamo cusub oo ku soo biiraya CXDS

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khalid), ayaa maanta Dugsiga Tababarka Xananbuure kulan kula yeeshay cutubyo cusub oo dhawaan ku biiri doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa ciidamada cusub u jeediyay soo dhoweyn iyo dardaaran, isaga oo ku bogaadiyay go’aanka ay qaateen ee ah inay u istaagaan difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isla markaana ay naftooda iyo waqtigooda u huraan u adeegidda qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sagootiyay cutubyo kale oo iyaguna tababarkooda ku soo dhammeystay isla Dugsiga Xananbuure, kuwaas oo isu diyaarinaya gudashada waajibaadka qaran ee saaran Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay Alle ka cabsiga, ilaalinta anshaxa iyo shuruucda ciidanka, adkaysiga, feejignaanta, geesinnimada iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa xusay in dalku maanta u baahan yahay ciidamo leh waddaniyad, karti iyo masuuliyad, kuwaas oo ka qeyb qaata sugidda amniga, difaaca shacabka iyo ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.





