Wararka
Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, oo ah xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha waxaa safarkiisa ku wehelinayay Taliyaha Ciidanka TurkSom, General Sebahattin Kalkan, Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Madeey Nuur Sheekh Ufurow, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Ujeedka safarka Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa la xiriira dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhiirrigelinta Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha hore



