Wararka
Soomaaliya oo safiir aan degenayn ku yeelanaysa Japan
Tan iyo 1990 ki Soomaaliya wax safaarad ah kuma lahayn Japan

Tokyo (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsigeeda ugu gudbisay Boqorka Japan, Boqor Naruhito, munaasabad rasmi ah oo ka dhacday Qasriga Boqortooyada ee magaalada Tokyo.
Munaasabaddan ayaa astaan u ah wejiga cusub ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Japan, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya yeelato Danjire si rasmi ah loogu aqoonsado Japan tan iyo markii la xiray Safaaraddii Soomaaliya ee Tokyo sannadkii 1990.
Soomaaliya iyo Japan waxay xiriir diblomaasiyadeed yeesheen sannadkii 1960, waxaana labada dal ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah oo ku dhisan saaxiibtinimo, is-ixtiraam iyo taageero dhinacyada horumarinta, nabadda iyo xasilloonida.






