Wararka
Soomaaliya oo ka qaybgashay xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026 oo lagu qabtay Hindiya
New Delhi-(SONNA)-Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Dr. Cabdullaahi Maxammed Odawaa, ayaa ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026 oo halkaasi lagu qabtay.
Kulanka ayaa lagu xusay midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika, iyadoo la adkeeyey muhiimadda iskaashiga, nabadda, horumarka waara, iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya dalalka Afrika.
Munaasabaddan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda iyo xubno ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Hindiya.
La wadaag



