Gudaha
Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar
War-saxaafadeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar, Kadib Dhacdadii Ras Laffan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar Kadib Dhacdadii Ras Laffan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag buuxa iyo taageero u muujinaysaa Dowladda walaalaha ah ee Qatar, kadib dhacdadii ka dhacday xarun Gaas oo ku taalla Aagga Warshadaha ee Ras Laffan.
Shilkan oo dhacay dhawaan ayaa sababay dhimashada 13 qof iyo dhaawaca 66 kale oo Jinsiyado kala duwan leh.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalkaasi ayaa sidoo kale, waxay xaqiijisay in uusan jirin wax dareere ama Gaas ah oo goobta ka soo daatay, kaas oo halis ku ahaan lahaa bedqabka Dadka ama Deegaanka.


