Wararka
Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca
Heshiiskan ayaa ah mid wax weyn ka taraya iskaashiga ka dhexeeya labada dal

Islamabad (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa maanta kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi oo u dhexeeya labada Wasaaradood ee Gaashaandhigga, kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodaha ciidamada.
Is-afgaradkan waxaa magaalada Islamabad ku kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Pakistan isaga oo hoggaaminaya wafdi, iyo Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Khawaja Muhammad Asif.
Is-afgaradkan ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashadaan la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta milatari, kobcinta awoodaha difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.







