Wararka
Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Mogadishu-(SONNA)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Kuuriyada koofureed u fadhiya Soomaaliya, Park Ji-Hyun.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dal.
Dhinacyadu waxay dib u xaqiijiyeen taageerada Jamhuuriyadda Kuuriya koofureed ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amniga ee badda, dhismaha awoodda iyo horumarinta hay'adaha ee Kuuriyada koofureed iyo Africa, dib u xaqiijinta iyo ka go’naashaha horumarka waara iyo xiriirka xooggan ee Soomaaliya.



