Wararka
Shirkad dhoofisa Kalluunka oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey
Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa soo dhoweeyey shirkadda Marina Seafood

Muqdisho (SONNA): Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood, iyo doontooda Maanya Mooya oo ka shaqeysa dhoofinta kalluunka Soomaaliya ayago gaarsiiya suuqyada caalamka.
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa bogaadiyay shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday maalgashiga iyo dhoofinta khayraadka dalka, isagoo sheegay inay ka go’antahay dhiirrigelinta iyo fududeynta ganacsiga, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo ganacsatada wax dhoofisa, si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha dalkeenna.



