Wararka
Shir ku saabsan mideynta miisaaniyad sanadeedka dalka oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey
Shirika ayaa diiradda lagu saaray sidii miisaaniyad mid ah ay u yeelan lahaayeen dowladda FS iyo dowlad goboleedyada dalku

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Saleebaan Sheekh Cumar ayaa maanta soo xiray Shirka Saddex-biloodlaha ah ee Miisaaniyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray mideynta iyo is-waafajinta habraacyada diyaarinta miisaaniyadaha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay diyaarinta miisaaniyadda sanadlaha ah iyo hannaanka bulshada looga qaybgelinayo miisaaniyadda ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka.
Intii uu shirku socday, Guddi-hoosaadka Miisaaniyadaha ayaa soo bandhigay warbixinno iyo qorshayaal shaqo, iyadoo sidoo kale dib loogu eegay mudnaanta kulammada soo socda iyo ajandayaasha la xiriira horumarinta nidaamka miisaaniyadaha.
Agaasimaha Guud, Mudane Saleebaan Sheekh Cumar, ayaa bogaadiyay dadaalka Guddi-hoosaadka Miisaaniyadaha, isagoo adkeeyay in Wasaaradda Maaliyaddu ay muhiimad gaar ah siineyso xoojinta wada-shaqeynta iyo mideynta habraacyada diyaarinta miisaaniyadaha dalka.







